Guddiga PSC oo maanta turxaan bixin sameynaya

Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa maanta billaabay inuu sameeyo turxaan bixin ay marayaan shakhsiyaad soo codsaday qabashada xilka diiwaangaliyaha xisbiyada siyaasadeed.
Guddoomiyaha PSC,Stephen Kirogo ayaa sheegay inay su’aal weydiinta kaddib saddexda qof ee ugu wanaagsan magacyadooda u gudbin doonaan madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.
Ann Nderitu oo si ku meel gaar ah u haysan xilkan ayaa ka mid ah 10 qof oo imtixaan galaya.
Waxay isugu jiraan 5 rag iyo 5 haween ah.
Sido kale maalmaha Talaadada iyo Khamiista ee toddobaadkan waxaa su’aalo la weydiinaya 37 qof oo soo dirsaday dalabaad ay ku doonaya inay noqdaan ku xigeenka sarkaalka diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee dalka.
Jagada la doonayo in la buuxiyo ayaa banaanaatay 15-kii bishii sideedaad ee sannadkii 2018-kii kaddib markii uu dhammaaday muddo xileedkii Lucy Ndungu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here