Guddiga PSC oo maxkammada u gudbiyay soo jeedintii madaxa cadaalada ee ah in la jabiyo baarlamanka

Guddiga adeega baarlamanka-PSC ayaa sheegay inay maxakamada sare kaga hor imaadaan soo jeedintii madaxa cadaalada David Maraga ee ahayd in baarlamanka la kala diro.
Guddiga ayaa manta saxaafada ku hadlay aqalka barlamaanka, oo ay shir gaar ku yeesheen ka dib marki ay la tashadeen labada guddomiye ee baarlamanka qaran iyo aqalka saree e Senetka.
Sida ay qabaan PSC, Talada uu madaxa cadaalada madaxweyne Uhuru Kenyatta kula taliyay inuu kala diro baarlamanka ay tahay mid aan bislayn oo aan waafaqsaneen dastuurka, taasi oo keeni karta in dalka uu ku dhaco xaalad jahawarer ah.
Afhayeenka aqalka baaarlamanka oo sido kale ah guddomiyaha guddiga adeega aarlamanka Justin Muturi ayaa sheegay in Madax cadaalada David Maraga u muuqdo inuu dalka ku rido jahawarer.
Madaxa cadaalada David Maraga ayaa shalay madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu kala diro aqalka baarlamaanka iyada oo la raacayo qaybta 261-aad farqada 7-aad ee daastuurka. Maadama ay ku guul dareysteen inay ansixiyaan two-thirds gender rule.
Madaxa cadaalada ayaa sheegay in baarlamanka uusan u hoggansamin amarkii maxkamada saree e dacwadii dastuurka nambarkeedu tahay 371 ee 2016-kii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here