Guddiga qaabilsan la tacaalidda COVID19 ee Wajeer oo kulan yeeshay

Waxaa galinkii dambe ee shalay kulan yeeshay xubnaha guddiga loo xilsaaray la tacaalidda cudurka COVID19 ee ismaamulka Wajeer.
Waxaa kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Wajeer Mr. Jacob Narengo.
Shirka waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah ciidamada ammaanka , xoghayaha dowladda ismaamulka Wajeer , sarkaalka ugu sareeya ee waaxda adeegyada caafimaadka iyo xubno kale.
Guddigan ayaa faahfaahin laga siiyay dhimashadii ugu horeysay ee ka dhalatay cudurka gudaha Wajeer kaddib markii mid ka mid ah bukaanada lagu daaweynaya isbitaalka weyn ee Wajeer uu geeriyooday.
Sido kale waxaa dabagal lagu sameeyay ilaa 52 qof oo ay bukaanka wada macaamileen.
Waxaa shirkaas lagu soo bandhigay in ilaa iyo hadda kiisaska coronavirus ee Wajeer laga xaqiijiyay ay yihiin 26 iyo hal dhimasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here