Guddiga qaabilsan xakameynta isticmaalka hubka oo beeniyay warbixin la soo saaray

Guddoomiyaha guddiga dowladda dhexe u qaabilsan bixinta leesimada hubka Samuel Mukindia ayaa gaashaanka u daruuray warar dhawaan soo baxay.
Waxaa wararkaasi lagu sheegay in dowladda ay dadka haysta hubka sharci darrada ah u qabatay muddo kama dambeys ah oo ay laamaha ammaanka ugu soo wareejin karaan.
Hase  ahaate Mr. Samuel ayaa xusay in warbixinadaasi ay waxba kama jiraan yihiin.
Waxaa uu intaasi ku daray inay dhammaatay mudaddii dowladdu ay qabatay sidaasi awgeedna aan la kordhin.
Darasaad ay sameysay hay’adda Africa Amnesty ayaa lagu sheegay in gudaha dalka lagu isticmaalo hub sharci darro ah oo kor u dhaafaya 600,000 balse Mr. Samuel Mukindia ayaa sido kale tiradaasi beeniyay.
Bishii labaad ee sannadkan ayay ahayd markii dowladda dhexe ay sheegtay inay turxaan bixin ku sameynayso shakhsiyaadka hubka sita si loo hubiyo inay leeyihiin dokumeentiyada habboon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here