Guddiga qaran ee COVID-19 oo qeybiyay 80,000 oo afxir ah

Guddiga loo xilsaaray inuu si degdeg ah kaga falceliyo cudurka COVID-19 ayaa shacabka ku nool gobolka xeebta ee dalka u qeybiyay afxir dhan 80,000.
Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka caabuqa coronavirus.
Maaskarada la qeybiyay oo uu qofku dib u isticmaali karo ayaa lagu wareejiyay isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta John Elungata .
Waxaa maaskarada guddoonsiiyay Dr .James Mwangi oo xubin ka ah guddiga COVID-19 .
Mr.Elungata ayaa sheegay in afxirka si lacag la’aan ah loogu qeybin doono xaafadaha ay ku noolyihiin dadka uu dakhligoodu hooseeya , kuwa ku sugan suuqyada iyo rakaabka gudbaya marinka Likoni .
Isku duwaha ayaa intaa ku daray in saraakiisha ammaanka ay sii wadayaan dhaqangelinta amarka dowladda ee ah in qof kasta oo ku sugan goob dadweyne laga doonayo inuu maaskaro isticmaalo.
Sido kale waxaa uu xusay in dowladda dhexe ay sare u qaadi doonto wacyigelinta si dadweynaha ay gacmaha u dhaqdaan , afxir u qaataan sido kalena aynan aad isugu dhawaan.
Dr .Mwangi ayaa dhankiisa sheegay in maaskarada ay qeybiyeen fariin loogu diraya kenyaanka si ay ugu baraarugaan in xirashadiisa lagu badbaadi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here