Guddiga shaqaaleysiinta ee ismaamulka Wajeer oo la ansaxiyay

Wakiilada golaha hoose ee ismaamulka wajeer ayaa maanta ansaxiyay xubnaha guddiga u xilsaaran howlaha shaqaaleeynta ee dowlad deegaankaasi oo goor sii horreysay turxaan bixin lagu sameeyay .
Hoggaamiyaha aqlabiyadda golahaasi ahna wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Sarmaan Maxamuud Gaabane Nuur ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay ansaxinta ay sameyeen

 

Weli wararka Wajeer ayaan ku guda jirnaaye , xildhibaanka baarlamaanka ku matalo deegaanka bariga ismaamulkaasi Rashiid Qaasim Aamiin ayaa ku howlan dadaalo lagu xoojinayo waxbarashada gabdhaha.
Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa qodobkan oo faahfaahsan noo soo diray

 

Dhanka kale saraakiisha caafimaadka ee Wajeer ayaa sheegay in la xakameeyay cudurka Daacuunka oo dhawaan halkaasi laga soo tabiyay.
Xanuunkan oo markii hore ismaamulkaasi laga soo sheegay bishii shanaad ayaa waxaa uu galaaftay nolosha 9 qof oo ka mid ahaa ugu yaraan 495 qof oo uu soo ritay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here