Guddiga SRC oo ku baaqay in diiradda la saaro maalgalinta mashaariicda horumarineed

Guddoomiyaha guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC Lyn Mengich ayaa soo jeedisay in isbeddel lagu sameeyo hannaanka musharaadka ee dalka si loo helo dhaqaale ku filan maalgelinta mashaariicda dhinaca horumarka.
Waxay sheegtay in loo baahan yahay in la yareeyo qarashaadka ku baxa mushaarka la siiyo shaqaalaha dowladda si loo haleelo boqolkiiba 35 marka loo barbardhigo dakhliga guud ee dowladda soo galo.
Mrs .Lyn Mengich ayaa sheegtay in bixinta mushaaraadka iyo lacagaha loo adeegsado ay hadda qaadato boqolkiiba 48 ee dhaqaalaha wadanka.
Waxay intaasi ku dartay in qiimahan uu boqolkiiba 9 yaraaday tan iyo sannadkii 2014.
Haweneeydan ayaa ku nuuxnuuxsatay in la joogo xilligii dib u eegis lagu sameyn lahaa xeerarka u degsan maareynta musharaadka shaqaalaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here