Guddiga SRC oo sharci darro ku tilmaamay lacago la siinaya xildhibaano hore

Guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC ayaa sheegay inaynan sharciga wadanka waafaqsanayn in lacago howlgab ah la siiyo mudanayaal baarlamaanka ka tirsanaa intii u dhexeysay sanadihii 1984-tii ilaa 2001-dii.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii golah xeer-dejinta uu ansaxiyay in siyaasiyiintan hore bil kasta ay qaataan 100,000.
SRC ayaa bayaan ay soo saartay ku xustay in go’aankaas uu ahaa mid aan sax ahayn sidaas awgeedna lagu tallaaba qaadi Karin.
Guddiga ayaa hoosta ka xarriiqay inuu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ka codsan doono inuunan xildhibaanada ku raacin go’aanka ay qaateen.
SRC ayaa sido kale ku doodaysa inaan arrinkan lagala tashan maadaama uu yahay guddiga dastuuriga ee u xilsaaran jaangoynta iyo dib u eegis lagu sameeyo musharaadka iyo gunnooyinka saraakiisha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here