Guddiga TSC oo 500 oo macallimiin ah ka howlgelinaya waqooyi bari

Wargayska Nation ee ka soo baxa gudaha dalka ayaa ku warramaya in guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu shaqaleysiin doono barayaal dhan 500 si ay kaga howlgalaan ismaamullada gobolka waqooyi bari iyo Lamu oo ka tirsan gobolka xeebta.
Madaxa fulinta ee TSC ,Nancy Macharia ayaa sheegtay in macallimiinta ay qaab qandaraas ah ku shaqeyn doonaan.
Waxay isugu jiraan 191 wax ka dhigi doono dugsiyada hoose dhexe iyo 309 la geynaya dugsiyada sare.
Gobolka waqooyi bari ayaa waxay horay saameyn uga soo gaartay tallabadii lagu soo beddelay qaar ka mid ah macallimiintii ka shaqeynayay ee aan deegaannada u dhalan kaddib weerarro dhacay.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dowladda ay qorsheynayso in dugsiyada dalka ee loo xiray cudurka covid-19 awgii dib loo furo bisha sagalaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here