Guddiga TSC oo bisha shanaad shaqalaysiinaya in ka badan 900 macallimiin ah

Guddiga adeegga macalimiinta ee TSC ayaa shaaca ka qaaday in bisha shanaad ee sannadkan uu shaqalaysiin doono barayaal ay tiradoodu gaareyso 919 oo wax ka dhigaya dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee dalka.
659 oo macallimiintan cusub ka mid ah ayaa la geynayaa dugsiyada hoose dhexe halka 260 ay ka howlgeli doonaan dugsiyada sare.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo weli gaabad dhanka barayaasha ah uu ka jiro dalka dowladdana ay ku dadaaleyso inay ka dhabeyso qorshaha ah in boqolkiiba boqol ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe inay ku biiraan dugsiyada sare.
Waxaa guud ahaan wadanka hadda looga baahan yahay 87,737 oo macallimiin dheeraad ah.
Bishii koobaad ee sannadkan ayay ahayd markii guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu sheegay inuu howlgelinayo 5,000 oo ah barayaal cusub.
Madaxa fulinta ee guddigan Mrs Nancy Macharia ayaa sheegtay in macallimiintii sannadkii hore soo codsaday inay wax ka dhigaan dugsiyada hoose dhexe ee dalka laga xulan doono liiskii la soo gubiyay oo aan laga doonayn inay mar kale dalab geystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here