Guddiga TSC oo isku shaandeyn ku sameeyay macallimiinta dalka

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa isku shaandeyn ku sameeyay maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee dalka.
Waxay arrintan saameysay barayaasha sannado badan hal xarun ah ka howlgalayay.
Hasa ahaate tallaabada uu guddiga qaaday ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay maadaama qaar ka mid ah maamulayaasha xarumo kale loo wareejiyay aynan laba sano ka shaqeyn deegaanka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.
Sido kale guddiga adeegga macallimiinta ayaa isbeddelada uu sameeyay waxaa qeyb ka ah inuu dallacsiiyay maamulayaal ku xigeen.
1,010 oo ka mid ah maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka ayaa loo wareejiyay goobo kale halka 1,621 kale ay hoggaaminayeen dugsiyada hoose dhexe.
Tusaale waxaa dugsiyadii ay maamulayeen ee dowlad deegaanka Meru laga wareejiyay 35 barayaal ah, Kisumu tiradan ayaa ah 12 waxaana loo wareejiyay dhanka Homa bay, Siaya, Bungoma, Busia, Migori iyo Kakamega.
Dugsiyada ismaamulka vihiga waxaa laga soo qaaday 15 maamulayaal ah.
Dowlad deegaanka Murang’a waxay isku shaandeynta saameysay 29 maamulayaal ah oo la geeyay dugsiyada Kiambu, Machakos, Nairobi, Nyandarua, Kitui, Tharaka-Nithi, Nyeri iyo Laikipia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here