Guddiga TSC oo laga dalbaday inuu dib u eegis ku sameeyo go’aan macallimiinta deegaano kale lagu geeynayo

Guddiga waxbarashada ee aqalka sare ayaa guddiga adeegga barayaasha ee TSC ka dalbaday inuu dib u eego hannaanka qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka loogu wareejinayo deegaano kale oo ay ka howlgalayaan.
Senetarka ismaamulka Bomet ahna guddoomiyaha guddiga tacliinta ee Senate-ka ,Christopher Langat (Bomet) ayaa arrintan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay in TSC looga fadhiyo inay ka laabato go’aankii ay horay u qaadatay oo maamulayaasha ay sii joogaan dugsiyadii ay maamulayeen.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT uu walac ka muujiyay sido kalena ka soo horjeestay tallaabada TSC.
KNUT ayaa ku doodaysa in maamulayaasha la geeyay deegaano ka baxsan kuwa ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan ay saameyn dhanka qoyska ah soo gaartay.
Sannadkii hore ayay ahayd markii TSC ay sheegtay in macallinku uunan wax ka badan sagaal sano ka shaqeyn karin deegaankiisa sidaas awgeedna ismaamul kale la geeynayo si loo xoojiyo isdhexgalka bulshada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here