Guddiga TSC oo qiimeynaya codsiyo ku aaddan mushaar kordhin

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa sheegay inuu weli wado qiimeyn uu ku sameynayo codsiyo la xiriira mushaar kordhin oo uga yimid xubnaha dalladda barayaasha ee KUPPET.
Madaxa fulinta ee TSC ,Nancy Macharia ayaa shaaca ka qaadday in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo dhammaan heshiisyadii gorgortanka ku saleysnaa ee horay loo wada saxiixday.
Waxay intaas ku dartay in qorshuhu uu yahay in heshiisyadan si buuxda loo dhaqangeliyo ugu dambeyn dhammaadka sannadka 2020-ka.
Ururka macallimiinta ee KUPPET iyo guddiga TSC ayaa bishii Tobnaad ee sannadii 2016-kii saxiixday heshiis loogu talagalay inuu shaqeeya laga soo bilaabo 2017 ilaa 2021-ka .
Dhaqangelinta is-afgaradkan ayaa soo billowday 1-dii bishii Toddobaad ee sannadkii 2017-kii waxaa uuna ku egyahay 30-ka bisha lixaad ee sannada 2021-ka.
Mrs. Nancy Macharia, madaxa fulinta ee guddiga adeegga barayaasha dalka ee TSC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ku guulaysteen dhaqangelinta saddex waji oo ka mid ahaa afar lagu heshiiyay.
Bishii hore ayay ahayd markii TSC iyo ururka macallimiinta ee KUPPET ay yeesheen kulan u gogol xaaraya qorsho shaqeyn doono inta u dhaxaysa sannadka 2021 ilaa 2025-ka.
Mrs. Macharia ayaa dhanka kale xustay in guddiga ay hoggaamiso uu diiradda saari doono sidii adeegyada kala duwan qaab dijitaal ah loogu fidin lahaa .
Waxyaabaha kale ee TSC u qorsheysan waxaa ka mid ah in la qabto shirweynaha labaad ee macallimiinta.
Hasa ahaate waxaan caddeyn halka uu ku dambeyn doono heshiis TSC kala dhaxeeya ururka kale ee macallimiinta ee KNUT.
Uruka KUPPET ayaa doonaya in macallinka heerka labaad ee dugsiyada sare midka loo yaqaano UT-ga iyo baraha dugsiga hoose dhexe ee ay dhigtaan ardayda qabo baahiyaha gaarka ah ee hoos tago heerka Grade C2 oo hadda uu mushaarkoodu yahay 34,955 oo shilin inay qaataan 59,425 oo shilinka dalka ah halka kuwa hadda bil kasta la siiyo 43,694 oo shilin mushaar kordhin loo sameeyo oo ay bil kasta qaataan lacag dhan 74,280.
Sido kale KUPPET ayaa dadaal ugu jirta sidii mushaar kordhin loogu sameyn lahaa maamulayaasha dugsiyada sare iyo kuwa xilalkaasi sannado badan hayay.
Waxaa dalladda macallimiinta ee KUPPET hadda xubno ka ah 120,000 oo macallimiin ah.
Waxyaabaha kale ee mas’uuliyiinta ururkan ay u ololeynayaan ayaa ah in lacagaha gunnooyinka ee gaadiidka ay u dhaxeyaan 8,500 iyo 20,000 oo shilinka dalka ah, lacagaha xilliga fasaxa ay noqdaan inta u dhaxaysa 43,694 ilaa 141, 891 oo shilin iyo lacagaha gunnooyinka ee deegaanka ama guriyaha inay noqdaan 16,500 ilaa 45,000 oo shilin .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here