Guddiga TSC oo shaqaalaysiinaya 5000 oo macallimiin ah

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa sheegay inuu howlgelinayo barayaal dhan 5000.
Macallimiintan ayaa wax bari doono ardayda dugsiyada sare ee dalka.
Waxay tani qayb ka tahay qorshaha dowladda ee ah in boqolkiiba boqol ardayda dhameeya dugsiyada hoose dhexe ay u gudbaan dugsiyada sare.
Dadka doonaya inay fursaddan ka faa’iidaystaan ayaa laga doonaya inay arji online ah dirsadaan iyagoo tagaya shabakadda rasmiga ee TSC.
Waxaa codsiyada la diri karaa ugu dambeyn 14-ka bishan sagalaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here