Guddiga TSC oo shaqaalaysiinaya macallimiinta howlgabka noqday

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa sheegay in sanadkan uu howlgelinaya 11, 474 macallimiin ah.
Waxay isugu jiraan kuwo dhawaan ka qalin jabiyay machadyada ama jaamacadaha dalka iyo barayaal hore oo howlgab noqday.
Macallimiintan ayaa wax ka dhigi doono dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee dalka.
TSC ayaa sheegtay in labada toddobaad ee nagu soo aaddan la shaqaalaysiinaya 5000 oo dhawaan ka qalin jabiyay culuunta macallinimada.
6, 474 oo dheeraad ah ayaa buuxinaya jagooyinkii ay baneyeen macallimiin sababo kala duwan shaqada uga tagay .
Dowladda dhexe ayaa dadaal ugu jirto in ardayda dhameeya dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare sido kalena la isku dheeli tiro ardayda iyo tirada macallimiinta eek u habboon inay wax baraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here