Guddiga TSC oo shaqaaleysiinaya ardayda macallinimada bartay

Guddiga adeegga barayaasha dalka ee TSC ayaa sheegay inuu shaqaaleysiinayo 10,300 oo ah ardayda macallinimada bartay.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xalliyo gaabadka dhanka tirada macallimiinta ee hadda wadanka ka jiro kaasi oo ah in ka badan 100 kun.
Madaxa fulinta ee guddiga TSC Nancy Macharia ayaa sheegtay in cid waliba oo baratay culuunta macallinimada sido kalena daneynaysa inay wax ka dhigto dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee wadanka laga doonayo inay codsi soo gudbiso ugu dambeyn 23-ka bishan Tobnaad ee Oktoobar.
Waxay sheegtay inay sido kale isku diyaariyaan in la geyn karo dugsi ku yaalla gudaha wadanka meel waliba oo ay ahaato.
4,300 oo ka mid ah ardayda dhameeyay barashada macallinimada ayaa la geynayaa dugsiyada hoose dhexe halka 6000 loogu talagalay inay wax ka dhigaan dugsiyada sare.
Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaalka maamulka talada haya ee Jubilee uu ugu jiro in boqolkiiba boqol ardayda dhameeya dugsiyada hoose dhexe ay ku biiraan dugsiyada sare iyagoo fursad u helaya inay wax baraan macallimiin ku filan.
Guddiga TSC ayaa horay loo qoondeeyay 3.2 bilyan oo shilin si uu barayaal dheeraad ah u howlgeliyo waxaana ilaa iyo hadda qaab joogto ah loo shaqaaleysiiyay 5000.
Si xal loogu helo gaabadka dhanka tirada barayaasha ee dalka ka jiro waxaa la doonaya in sannad kasta la shaqaaleysiiyo 12,626 oo macallimiin hor leh ah.
Dadka codsiyada soo dirsanaya ayaa looga baahan yahay inay da’dooda ka hooseyso 35 sano , ay u diiwaangashanyihiin guddiga TSC, wax shaqo ah uunan qofku hadda haynin sido kalena ay haystaan ugu yaraan shahaadada P1 ama Diploma.
Sido kale waxaa laga doonaya inuu qofku leeyahay caymis caafimaad oo shaqeynaya muddo 12 bilood ah oo lagu daaweyn karo haddii uu shil galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here