Guddiga TSC oo soo jeediyay mushaar kordhin loo sameynaya macallimiinta

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa sheegay in barayaasha uu ugu yaraan boqolkiiba 16 u kordhin doono mushaarka billaha ee ay qaataan.
Tani ayaa qayb ka ah heshiis gorgortan ku saleysan oo la xiriira mushaar kordhin.
Heshiiskan ayaa loo gudbiyay guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC waxaana lagu wadaa inuu dhaqangalo bisha toddobaad ee sannadka 2021-ka.
Guddiga TSC ayaa sheegay in la tixgelin doono arrimo dhowr ah oo ay soo jeediyeen ururrada macallimiinta ee KNUT iyo KUPPET.
Ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT ayaa sannadkii hore ku taliyay in macallimiinta mushaarka loo kordhiyo boqolkiiba 120% ilaa 200 halka daladda kale ee KUPPET ay soo jeedisay in mushaar kordhinta ay u dhaxeyso boqolkiiba 30 iyo 70 .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here