Guddiga TSC oo tirakoob ku sameynaya macallimiinta dalka

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa amar ku bixiyay in la xisaabiyo barayaasha dalka ka hor inta aan la dhaqangelin heshiis la xiriira mushaar kordhin.
Madaxa fulinta ee guddiga TSC ,Nancy Macharia ayaa agaasimayaasha waxbarashada ee ismaamullada ku amartay inay macluumaadkan oo dhameystiran soo gudbiyaan 30-ka bishan.
Waxay intaa ku dartay inay lagama maarmaan tahay in la helo xogta saxda ah ee dhammaan macallimiinta wadanka ka hor inta aan laga dhabeyn isafgaradkii la gaaray.
Heshiiskan oo ku saleysan gorgortan ayaa ku eg ilaa sannadka 2021-ka.
Waxaa uu ku kacayaa lacag dhan 11 bilyan oo shilin.
Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC oo ay u diiwaan gashan yihiin 320,000 oo barayaal ah ayaa dhawaan loo qoondeeyay miisaniyad dhan 266 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here