Guddiga TSC oo wacad ku maray inuu meesha ka saarayo heshiis jiray in ka badan 50 sano oo kala dhexeyay KNUT

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu soo afjarayo heshiis soo jiray 51 sano oo kala dhexeyay ururka qaran ee barayaasha wadanka ee KNUT.
Madaxa fulinta ee TSC Dr. Nancy Macharia ayaa sheegtay inay yaraatay tirada macallimiinta ee xubnaha ka ah KNUT sidaasi awgeedna uunan sii jiri karin heshiiskii kala dhexeyay.
Waxay haweeneydan warqad u qortay dalladda qaran ee macallimiinta ee KNUT oo ay ku wargalinayso in laba bilood gudahood ay waxba kama jiraan ka soo qaadayso aqoonsigii urur ahaan loo hayay.
Mrs. Macharia ayaa ku andacoonaysa in ururka KNUT aynan xubno ka ahayn aqlabiyadda macallimiinta u diiwaangashan TSC.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii TSC ay soo afjartay heshiiskii shaqo ee macallinimo ee xoghayaha guud ee KNUT Wilson Sossion.
Waxay tallaabadaasi Sossion ka hor istaagaysa inuunan wax ka dhigi karin dugsi ku yaallo gudaha wadanka haddii uu yahay mid dowladeed mise kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.
Sharciga shaqaalaysiinta ee dastuurka dalka ayaa dhigaya in si guddiga TSC uu urur macallimiin u aqoonsado , dalladaasi laga doonayo inay xubno ka ahaadaan ugu yaraan boqolkiiba 50 barayaal ku jiro diiwaanka barayaasha ee TSC.
Waxaa guud ahaan dalka ka diiwaangashan 318,000 oo macallimiin ah sidaasi awgeed KNUT waxaa laga doonaya inay xubno ka ahaadaan ugu yaraan 159,000 macallimiin ah.
Hasa ahaate TSC ayaa sheegaysa in xubnaha ururka qaran ee macallimiinta dalka KNUT ay tiro ahaan gaarayaan oo keliya 115,000 .
Waxaa hadda la sugayaa in KNUT iyo TSC ay arrinkan qaab wada hadal ah ku dhameyn doonaan ama maxkamadda dhageysata kiisaska shaqaalaysiinta la isla tiigsan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here