Guddiga xalliya muranada siyaasadeed oo go’aan ka soo saaray khilaafka Ford-Kenya

Guddiga qaabilsan dhageysiga iyo xallinta muranada salka ku haya siyaasadda ayaa go’aamiyay in senetarka ismaamulka Bungoma Mr. Moses Wetangula uu yahay hoggaamiyaha rasmiga ee xisbiga Ford-Kenya .
Tani ayaa timid maalmo un kaddib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga xubnaha ka ah ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Wetangula oo ay ku eedeyeen hoggaan xumo.
Guddigan oo loo soo gaabiyo PPDT ayaa shir uu ku yeeshay magaaladatani Nairobi kaddib waxaa uu sheegay in Wafula Wamunyinyi oo loo magacaabay hoggaamiyaha xisbiga iyo xubno kale oo tallaabadaas ku dhaqaaqay ay maalinka talaadada ah ka soo hormuuqan doonaan guddiga habdhaqanka.
Sarkaalka diiwaangelisa xisbiyada siyaasadeed ,Ann Nderitu ayaa horay u soo saartay qoraal rasmi ah oo ku saabsan in cid kasta oo fikir ku biirinaysa isbeddelka ka dhex dhacay Ford-Kenya ay dareenkeeda soo gudbiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here