DHAGEYSO:Guddiga xalliya murannada siyaasadeed oo hakiyay heshiiska Jubilee iyo KANU

Guddiga qaabilsan xallinta murannada salka ku haya siyaasadda ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay in lagu tallaaba qaado heshiis iskaashi ah oo ay dhawaan wada gaareen xisbiyada Jubilee iyo KANU.
Arrimahan ayaa lagu saleeyay dacwad maxkamadda la geeyay oo aan weli go’aan kama dambeys ah laga soo saarin.
Waxaa maxkamadda dacwadda u gudbiyay senatarka ismaamulka Nakuru Susan Kihika , xildhibaanka deegaanka Soy Caleb Kositany , Benjamin Washiali oo laga soo doortay deegaanka bariga Mumias iyo kenyaan lagu magacaabo Albert Mutai.
Kiiska maxkamada hor yaalla ayaa la doonaya inay ka jawaabaan guddiga xalliya murannada siyaasadeed , xafiiska xisbiyada diiwaangeliya, xoghayaha guud ee Jubilee Raphael Tuju iyo guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee xisbiga Nelson Dzuya.
Dacwadda ayaa Tuju iyo Dzuya looga hor istaagaya inay heshiis la galaan xisbiga KANU iyagoo wakiil ka ah maamulka talada haya ee Jubilee.
Isbeddellada shalay la sameeyay ayaa ah in hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ahna senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen xilkiisi laga qaaday laguna wareejiyay dhigiisa galbeedka Pokot Samuel Poghisio.
Mr. Poghisio ayaa ku xigeen looga dhigay Fatuma Dullo oo ah senetarka Isiolo halka Farxaiya Xaaji Cali oo aqalka senate-ka ku gashay si magacaabid ah laga dhigay ku xigeenka mas’uulka siyaasiyiinta tirada badan u qaabilsan dhanka kala dambeynta.
Senetarka Nakuru Susan Kihika oo ahayd madaxa siyaasiyiinta tirade badan ee aqalka sare u qaabilsan dhanka nidaamka iyo kala dambeynta ayaa lagu beddelay Irungu Kangata oo ah senetarka dowlad deegaanka Murang’a.
Dhanka kale guddoomiyaha aqalka sare Mr. Ken Lusaka ayaa ansaxiyay xilka qaadista lagu sameeyay Murkomen iyo mas’uuliyiinta kale.
Hasa ahaate Mr. Kipchumba Murkomen ayaa Lusaka ku eedeyay in go’aanka ansaxinta uunan ahayn mid isaga ka yimid balse lagu khasbay sida uu hadalka u dhigay.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka bariga Mumias, Benjamin Washiali ayaa isna ka soo horjeestay isbeddelka dhacay dareenkiisana sidatan u muujiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here