Guddiga xisaabaadka aqalka sare oo doonayo in la xiro barasaabka Machakos

Guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan xisabaadka iyo dabagalka lagu sameeyo isticmaalka miisaaniyadda dowladda ayaa maanta oo isniin ah amar ku bixiyay in xabsiga loo taxaabo barasaabka dowlad deegaanka Machakos Dr. Alfred Mutua .
Amarkan ayaa yimid kaddib markii guddigan uu Mutua marar badan u yeeray si uu uga soo hormuuqdo taasi oo uunan u hoggaansamin.
Guddomiyaha guddiga xisaabaadka aqalka Senate-ka ,Moses Kajwang’ ayaa sheegay in barasaabka aynan wax dhib ah ku ahayn inuu yimaado hal maalin si su’aalo loo weydiiyo.
Mr.Kajwang’ ayaa intaasi ku daray in hoggaamiyaha Machakos uunan isa soo xaadirin iyadoo wax sabab ah oo maqnaanshihiisa cudur daar looga dhigayo aynan jirin.
Mas’uulkan ayaa la doonaya inuu ka jawaabo qaladaad dhanka maareynta dhaqaalihii dowlad deegaankiisa loo qoondeeyay miisaaniyad sanadeedyo la soo dhaafay .
Mr. Kajwang’ oo sido kale ah senetarka ismaamulka Homa Bay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo loo jeediyay guddiga uu hoggaamiyo oo ay ka mid tahay inaynan dhexdhexaad ahayn oo ay ku howlanyihiin bartilmaameedsi siyaasadeed oo ka dhan ah Dr. Alfred Mutua .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here