Guddiga xuquuqul aadanaha dalka oo ka hadlay qaybsashada dhaqaalaha

Guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka ee (KHRC) ayaa dareenkiisa ku biiriyay hannaanka ismaamullada ay ku qaybsanayaan dakhliga kaasoo muran dhaliyay.
Maamulaha barnaamijyada ee guddigan Diana Gichengo ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in dowlad deegaanada si siman loogu qeybiyo dhaqaalaha.
Waxay sheegtay in si loo horumariyo dhammaan deegaanada wadanka aan loo baahneyn in qaybsashada dhaqaalaha lagu saleeyo tirada dadka ee ku nool ismaamullada kala duwan.
Shir jaraaid oo ay qabatay ayay haweeneydan ka sheegtay in sido kale la doonayo inaan la iska indha tirin baaxadda dhulka iyo tabashooyinka la xiriira gacan bidixeeynta ee shacabka ismaamullada qaar ay qabaan.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo maalinka Talaadada ay kal-fadhigii sideedaad yeelanayaan xubnaha aqalka sare ee dalka si loo soo afjaro muranka dhanka dakhliga ee toddobaadyo soo jiitamayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here