Guddiga IEBC oo ansaxiyay ololaha ku aaddan afti dastuurka dalka wax looga beddelayo

Guddiga madaxa bannaan ee doorasooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa shaaca ka qaaday inuu xaqiijiyay saxiixyo loo soo gudbiyay oo muujinaya in shacabka ay taagerayaan in wadanka ay ka dhacdo afti qaran oo wax looga beddelayo dastuurka hadda la isticmaalo.
Saxiixyadan oo tiro ahaan gaaraya 1.2 milyan ayaa waxaa soo gudbisay koox uu hor kacayo hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot.
Isbeddelka ay doonayaan waxaa ka mid ah in la dhimo tirada xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha golayaasha deegaanada hoose ee dalka.
Waxay soo jeedinayaan in tirada xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha aqalka sare oo hadda ah 416 in lagu soo reebo 147.
Sido kale muddo xileedka madaxweynaha dalka oo hadda ah laba mar oo min shan sano ah in laga dhigo hal xilli oo toddobo sano ka kooban.
Waxay sido kale kooxda ololahan waddo ku talinaysaa in meesha laga saaro xilalka siyaasiyiinta la soo magacaabay ee xubnaha ka ah aqalka sare iyo golayaasha ismaamulada sido kalena miisaaniyadda dhaqaale ee loo qoondeeyo dowlad deegaanada in la kordhiyo oo laga dhigo boqolkiiba 35 halka hadda ay tahay boqolkiiba 15.
Ololaha ku aaddan aftida la qorsheynayo ayaa loogu magacdaray Punguza Mzigo oo ay micnaheedu tahay in Kenyaanka laga yareeyo culeyska saaran ee dhanka tirada badan ee siyaasiyiinta ku matala golayaasha kala duwan.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in kooxda ololahan ku howlan ay soo gubisay tiro saxiixyo ah oo ka badan hal milyan oo uu dastuurka wadanka u degsan qeexay.
Mr. Chebukati ayaa intaasi ku daray in guddigu uu xaqiijiyay saxiixyada oo uuna ku qancay.
Waxay tani micnaheedu tahay in hindise sharciyeedka wax looga beddelayo dastuurka ee guddiga IEBC loo gudbiyay 28-kii bishii labaad ee sannadkan , hadda la horgeyn doono golayaasha ismaamulada.
Ilaa iyo hadda codbixiyayaal Kenyaan ah oo gaaraya 1, 222, 541 qof ayaa taageeray in sharci baddel la sameeyo.
Dhanka kale xisbiga Thirdway Alliance ayaa sheegaya in xalay koox hubeysan ay weerar ku qaadeen xafiisyada uu ku leeyahay xaafadda Lavington ee magaaladatani Nairobi.
Dr. Ekuru Aukot oo ah madaxa xisbigan ayaa hoosta ka xarriiqay in ilaa 6 qof oo hubeysan ay rasaas ku fureen xoghayaha guud oo halkaasi ku sugnaa in kastoo uu baxsaday, waxaa uuna falkaasi ku tilmaamay mid fuleynimo muujinaya oo la doonayo in lagu carqaladeeyo dadaalka ay ugu jiraan in dalka uu ka dhaco isbeddel dhanka sharciga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here