Guddomiyaasha ismaamulada oo doonaya in faahfaahin laga siiyo soo jeedintii madaxa cadaaladda

Golaha ay ku mideysanyihiin guddoomiyaasha ismaamulada dalka ee COG ayaa waxay qorsheenayaan in maxkamadda u gudbiyaan islamarkaana ay faahfaahin ka bixiso arrinta la xiriirta soo jeedintii madaxa cadaalaadda ee ahayd in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu kala diro aqalka baarlamaanka kaddib markii ay ku guul dareysteen sharciga jinsiyadda saddex meelood laba meel.
Bayaan uu soo saaray guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada ee COG ahna barasaabka Kakamega Mr. Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in arrintaan ay dhex dhexaad ka ahaan doonaan ilaa ay ka heelan fikrad sharci ah
Waxaa uu sheegay in gole ahaan in arrintaan ay tahay mid culus islamarkaana la ixtiraamo ku dhaqanka sharciga.
Waxaa uu dhanka kale xusay in kala dirista aqalka baarlamaanka aysan xal u noqonin dhibtaada hadda jirta.
Madaxa cadaaladda ayaa sheegay in baarlamanka uusan u hoggansamin amarkii maxkamadda sare e dacwadii dastuurka nambarkeedu tahay 371 ee 2016-kii.
Halka baarlamanka uu mudda 9 sano ah aan meel marinin sharci dejinta la doonayo in lagu dhaqan galiyo sharciga jinsiyadda ee saddax meelood laba meel oo maxkamadda racfaanka ay go’ankeeda ku sheegtay in baarlamanka ay ku guul daraysteen.
Maxada Cadaaladda ayaa xusay asaga oo eegaya daastuurka oo siinaya awoodda uu madaxweyna kula talin karo in baarlamaanka la jabiyo.
Dhanka kale dhawaan ayey ahayd markii Ururka qareenada dalka ee (LSK) ay sheegeen in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu haysto ugu dambayn ila 12-ka bisha Oktoobar ee sannadkan si uu u kala diro baarlamanka maadama ay meel marin wayeen sharciga jinsiyadda saddex meelood laba meel.
Ururka ayaa sido kale doonaya in mushaaraadka xildhibaanada la joojiyo, Saraakiisha ilaaladana lagala laabto iyo in la xiro xafiisyada deegan baarlamanedyada 12-ka Oktoobar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here