Guddomiyaha Nairobi oo diiday miisanayada Ismamulka

Guddomiyaha ismamaulka Nairobi Mike Sonko ayaa diiday miisaaniyada ismaamulka sanadki ku eg bisha June 30-da ee 2021-da ee dhawaan la ansixiyay.
Sonko ayaa diiday inuu qalinka ku duugo biilka ismaamulka ee 2020-ka asaga oo ku celiyay golaha hoose ee ismaamulka Nairobi.
Biilkan oo ay ansixiyeen golaha baarlmanka hoose bishii Okotoobar 8-da ayaa ah Sh37.5 bilyan, Waxayna qoondada maamulkiisa 8.4 bilyan halka Waaxda adeega Nairobi NMS loo qoondeeyay Sh27.1 bilyan halka inta kalana loo qoondeeyay golaha hoose ee maamulka.
Warqada uu qoray Sonko ayaa waxa uu ku sheegay in wax badan ka dhimantaay miisaniyada. Waxauu doonayain Meesha laga saaro qoondada NMS.
Waxa uu haataan doonaya in golaha hoose ee Nairobi ay soo yareeyaan oo ay miisaniyada ka dhigaan Sh31.6 bilyan sida ku xusan warqada istaraatiijiyada ismaamulka 2020/2021 iyo khiyaasta miisaaniyada ee loo gudbiyay wasiirka maaliyada Nairobi Allan Igambi bilihi Febraayo iyo April.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here