Guddomiyaha Samboja oo waaxda DCI–da su’aalo weydiisay

Guddomiyaha Ismaamulka Taita Taveta Granton Samboja ayaa manta ka soo hor muuqday waaxda dembi baarista ee DCI si su’aalo looga weydiiyo dagaalka u dhaxeeya shacabka deeganka iyo dad geela dhaqda oo deeanada ismamaulkas geelooda ku daajiya.
Waxa sido kale su’alaahs la weydiinaya oo tagay xaruunta dembi baarista Senterka ismamulkas Jones Mwaruma, Wakilka haweenka Ismamulkas Lydia Haika iyo Xildhibanka Mwatate Andrew Mwadime.
Tdodobo ka tirsan xubnaha golaha wkiilada hooseee Ismamulkas ayaa su’aalo lagu weydiin doona saldhiga booliska magalada Voi.
Waaxda DCI-da ayaa waxay baarayaan eedyemo ah kicinta shacabka ka dib markii Bishii June is qabqabsi ka dhacay deeganka Sagalla oo u dhaxeyay dad si sharci dara ah xoolaha ku daajinaya iyo shacabka deeganka,Waxana ku dhintay is qabqabsigas ruux 35-sano jiray oo beeraley ahaa.
Siyaasiyiintan ayaa waxa lagu eedeynaya inay hadala ay jeediyaan ay sii huriyeen colaada.
Ka dib markii la dilay ninka beeraleyda ayaa waxa xaafada Kirumbi lagu dilay 20 Neef oo geel ah maalin un ka dib dilkas.
Hasa ahaate hoggamiyaha aqbaliyada barlamanka hoose ee ismamulkas Mr Jason Tuja ayaa sheegay in baaritaanka DCI-da aysan cabsi galinayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here