Guddomiyayaasha ismaamulka oo baaq loo diray

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr. Patrick Amoth ayaa guddomiyayaasha ismaamulada dalka ugu baaqay inay ka waantoobaan ku dhawaaqista kiisaska cudurka coronavirus-ka ee ka laga soo tabiyo ismaamulladooda.
Xili uu shir jaraa’id ku qabtay dhismaha Afya House ee magaalada Nairobi ayuu sheegay in ay jirto hal xarun isgaarsiineed oo kaliya oo dadweynaha lagu wargeliyo ahna caasimadda dalka.
Waxaa uu barasaabyada ka codsaday inay ilaaliyaan nidaamka jiro oo ayna wasaaradda caafimaadka ee dalka keliya u ogoladaan wargelinta shacabka.
Hadalka Dr. Amoth ayaa yimid kaddib markii guddomiyaha ismaamulka Kakameyga Mr. Wycliffe Oparanya uu shalay ku dhawaaqay kiis la xiriira in cudurka COVID 19 laga helay arday 19 sano jir oo u dhashay dalka balse ka yimid magaalada London ee boqortoooyada Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here