Guddomiye Laboso oo dalka ku soo laabaneyso dhawaan

Guddomiyaha ismamaulka Bomet Joyce Laboso ayaa la filaya inay maalmaha soo socdo dalka dib ugu soo laabato ka dib markii ay mudda ku soo qaadaneysay dawo.
War saxaafadeed oo ka soo baxay xafiiskeeda ayaa sheegay in Dr.Laboso ay dalka dib ugu soo laaban doonto balse aysan shaqada aadayn maadama dawaynta ay u socoto.
Xafiiska aggasimaha isgaarisnta ayaa sheegay in howlaha ismaamulka ay si wanagsan u socdaan,wax caqabad ahna aysan jirin.
Dr Laboso, ayaa laba todobaad ka hor loo duuliyay dalka Hindiya iyada oo horaan ku sugnayd dalka Ingiriska. Waxayna dalka ka tagtay bishii May 29-keedi sanadkan.
Waxay shaqada u dhiibtay ku xigeen keeda Dr Hillary Barchok, Waxaana caawinaya xoghayaha ismaamulka Ms Evalyne Rono.
Khamistii anu ka soo gudubnay hoggamiyaha xisbiga Chama Cha Mashinani CCM oo sido kale ah guddomiyihi hore ee ismamulka Bomet Isaac Ruto iyo xildhibanka Chepalungu Gideon Koskei ayaa u duulay dlaka Hindiya si ay Dr.Laboso u soo booqdan.
Senterjka ismamulka Bomet Christopher Langat, Wakilka haweenka Joyce Korir, Iyo xildhibanada kala Dominic Koskei deeganka Sotik, Beatrice Kones deeganka Bariga Bomet iyo Ms Beatrice Elachi ayaa sido kale guddomiyaha ku soo booqday dalka Hindiya.
Hoggamiyasha kale ee London markay joogtay ku soo booqdeen waxa kamid aha hoggamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga, Madaxa cadaalada David Maraga iyo xaaskiisa Yucabeth, Safiirka dalka ee Magalada London u fadhiya Manoah Esipisu, Guddomiyaha ismamamulka Kericho Paul Chepkwony iyo xildhibanka Konoin Brighton Yegon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here