Guddoomiyaasha ismaamulada oo doonayo in lagu dhawaaqo in kansarka uu yahay musiibo qaran

Hoggaamiyaasha ismaamulada dalka ee ku mideysan golaha COG ayaa dowladda dhexe u soo jeediyay inay ku dhawaaqdo in cudurka kansarka uu yahay musiibo qaran.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Kakamega Mr. Wycliffe Oparanya ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta kula taliyay inuu tixgeliyo arrinka ay u soo bandhigeen.
Baaqan ayaa yimid kaddib markii cudurkan uu dhawaan galaaftay noolosha barasaabkii ismaamulka Bomet Dr. Joyce Laboso, xildhibaankii deegaanka Kibra ee Nairobi Ken Okoth iyo madaxii fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ,Bob Collymore.
Dhimashooyinkan ayaa dhaliyay dareen ah in maamulka talada haya ee Jubilee laga doonayo inuu laba laabo dadaalada lagula tacaalayo cudurka Kansarka.
Warbixin dhawaan uu soo saaray machadka qaran ee qaabilsan wax ka qabashada cudurka kansarka ayaa lagu sheegay in xanuunkan uu ku badan yahay ismaamulada Kisumu, Kakamega, Nyeri, Nakuru, Bomet iyo Uasin-Gishu .
Barasaabka Kakamega ahna guddoomiyaha golaha COG Mr. Oparanya ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in caqabadda ugu weyn ee la xariirta cudurkan ay tahay maareeynta qarashaadka badan ee la isaga daaweeyo.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa sheegay in dowladda dhexe ay kordhin doonto miisaaniyadda loo qoondeeyo la tacaalidda cudurkan.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in xarumo u gaar ah xanuunkan la sameyn doono sido kalena tababaro dheeraad ah la siin doono dhakhaatiirta daaweynaya bukaanada uu soo rito.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here