Guddoomiyaasha ismaamulada oo maxkamadda dib ugu laabanaya talaadada

52

Maxkamadda ugu sarreysa ee dalka ayaa maanta dib u dhigtay inay mar kale soo hadal qaaddo dacwad ku aaddan qeybsashada dakhliga qaran ee dowladda soo galo.
Isniintii ayay ahayd markii guddoomiyaasha ismaamulada dalka ay kiiskaasi geeyeen waxaa uuna qorshuhu ahaa in maanta laga hadlo ka hor inta aan dib loo dhigin.
Maalinka talaadada ee toddobaadka soo socdo ayaa loo ballansan yahay in xaakiinada ay shaaciyaan tallaabada xigta ee lagu dhaqaaqayo.
Garsoorayaasha ayaa laga doonaya inay sharaxaad sharciyeed ka bixiyaan ansaxinta hindise sharciyeed muran dhaliyay oo ku aaddan sida dowladda dhexe iyo ismaamulada ay u qeybsanayaan dhaqaalaha wadanka soo galo.
Mas’uuliyiintan oo ay hor kacayaan guddoomiyaha COG ahna barasaabka Kakamega , Mr. Wycliffe Oparanya iyo dhigiisa Murang’a ,Mwangi wa Iria ayaa eedeyn dusha uga tuuray wasaaradda maaliyadda.
Waxay sheegeen in la carqaladeynayo geedisocodka howlaha ismaamulada maadaama lacagaha loogu tala galay ay ka soo dib dhacaan.
Mr. Oparanya ayaa xusay in weerar dhanka dhaqaalaha ah lagu hayo ismaamulada kala duwan.
Waxaa uu sheegay inay doonayaan in maxkamadda ay caddeyso saameynta ka dhalan karto in baarlamaanka iyo aqalka sare aynan ku heshiinin sida kheyraadka qaran loo qeybsanayo.
Sido kale dacwadda ayaa lagu doonaya in xaakiinada ay faahfaahin ka bixiyaan in baarlamaanka uu awood dastuuri ah u leeyahay inuu ansaxiyo miisaaniyadda iyadoo aan la gabagabeynin muran ka taagan dakhliga.
Muranka la xariira qeybsashada dakhliga qaran ee dalka ayaa yimid kaddib markii baarlamaanka uu soo jeediyay in 47-da ismaamul ee wadanka ka jiro loo qoondeeyo miisaaniyad dhan 310 bilyan oo shilin halka xubnaha aqalka sare iyo golaha barasaabyada ee CoG ay doonayaan in dhaqaalahaasi laga dhigo 335 bilyan oo shilin.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa horay isugu dayay inuu labada dhinac kala dhexdhexaadiyo balse dadaalkaasi ayaa u muuqdo mid aan guulaysan.
Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu ,Prof Anyang Nyong’o ayaa baarlamaanka dalka ku eedeyay inuunan tixgelinaynin waxqabadka dowlad deegaanada iyo qarashaadka ku filan ee lagu maareyn karo howlaha loogu adeego shacabka.
Dhanka kale xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mr. Paul Kihara Kariuki ayaa isugu yeeray kulan degdeg ah oo looga arrinsanayo arrimaha ku aaddan sida la doonayo in loo qeybsado dhaqaalaha qaran.
Waxaa kulanka ka soo qeyb galaya wakiilo matalaya wasaaradda maaliyadda, baarlamaanka iyo aqalka sare.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa gudaha wadanka ka jiray muran iyo hadal hayn ku aaddan sida dowladda dhexe iyo ismaamulada ay u qeybsan karaan dakhliga qaran ee dowladda soo galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here