Guddoomiyaasha ismaamullada oo berri kulan yeelanaya

Hoggaamiyaasha ismaamullada dalka ayaa la filayaa inay berri yeeshene shir ay kaga arrinsanayaan kiisaska xilka qaadista barasaabyada ee isa soo taraya.
Guddoomiyaha golaha barasaabyada wadanka ee (CoG) ahna madaxa ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabadooyinka ay qaadayaan xubnaha golayaasha hoose ee dowlad deegaannada ee ka dhanka ah barasaabyada ay dib u dhac ku keeni karto horumarka.
Sido kale waxaa uu sheegay in go’aammadan ay saameyn ku yeelan karaan la tacaalidda cudurka COVID19.
Mr. Oparanya ayaa xusay in ilaa 6 ka mid ah barasaabyada ismaamullada dalka oo ay ka mid tahay hoggaamiyaha Kitu Charity Ngilu ay xilka xayuubin wajahayaan.
Mr. Oparanya ayaa wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada ka codsaday inay guddoomiyaasha fursad u siiyaan gudashada waajibaadkooda.
Mas’uuliyiinta kale ee xilka qaadista wajahaya waxaa ka mid ah barasaabka Bungoma Wycliffe Wangamati ,Sospeter Ojaamong (Busia), Salim Mvurya (Kwale), Patrick Khaemba (Trans Nzoia) iyo Wilber Ottichilo oo hoggaamiyo ismaamulka Vihiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here