Guddoomiyaasha ismaamullada oo doonayo lacago ay kula tacaali karaan Coronavirus

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee (COG) ayaa maareeyaha miisaaniyadda Dowladda iyo wasaaradda maaliyadda waxaa uu ka codsaday inay soo saaraan lacago lagu wareejiyo dhammaan 47-da dowlad deegaan .
Guddoomiyaha COG ahna hoggaamiyaha ismaamulka Kakamega Mr. Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in qaar ka mid ah dowlad deegaannada ay go’aansadeen inay lacago gunnooyin ah siiyaan howlwadeenada caafimaadka ee saacadaha badan shaqeynaya maadaama ay la tacaalayaan arrimo la xiriira Coronavirus.
Mr. Oparanya ayaa ku nuuxnuuxsaday in ismaamullada ay caqabad ka haysato inay saraakiisha caafimaadka geeyaan meelaha ay ka howlgalaan.
Dhanka kale guddoomiyaha COG ayaa shaaciyay in dhammaan barasaabyada iyo ku xigeenadooda ay dhimi doonaan boqolkiiba 30 ee mushaaraadka ay bil kasta qaataan si lacagtan loogu biiriyo dhaqaalaha lagula dagaalamaya cudurka Covid-19.
Waxaa sido kale tallaabadan mid la mid ah qaadaya guddoomiyaha baarlamaanka Mr. Justin Muturi iyo dhiggiisa aqalka sare Mr. Ken Lusaka.
Mas’uuliyiinta shaaciyay inay boqolkiiba 30 mushaarkooda dhimayana waxaa ka mid ah barasaabka Mandera, Cali Ibrahim Roba iyo ku xigeenkiisa Maxamad Axmad Caraay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here