Guddoomiyaasha ismaamullada oo doonayo xuduudaha la xiro

Golaha ay ku mideysanyihiin guddoomiyaasha ismaamulada dalka ee COG ayaa doonayaa in dawladdu ay la timaado borotokool muujinaya in xuduudaha uu dalka la wadaago dalalka dariska ah in la xiro taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka saf-marka ee Covid-19.
Golaha ayaa waxaa uu sare u qaaday welwelka ku saabsan socdaalka dadka ka imaanaya dalalka Tansaaniya, Ugaandha iyo Soomaaliya iyadoo ay jiraan xaalado sii kordhaya oo ah gudbinta fayraska maxalliga ah iyo kan soo golootiga.
Guddoomiyaha golaha ay ku mideysanyihiin barasaabyada ismaamulada dalka ee COG ahna hoggaamiyaha dowlad deegaanka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa xusay in isbuucii la soo dhaafay, sagaal gobol ee dalka ah oo xuduuda la leh u ah waddamada kale ay karantiil ku hayaan 205 qof isla markaana 249 qof laga baaray cudurka.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in arrinta xuduuda ay hoos imaaneyso dowladda dhexe sidaa darteed gudoomiyayaashu kuma qasbi karaan hogaamiyaasha wadamada kale inay talaabo ka qaadaan.
Guddoomiye Oparanya ayaa ku boorriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay la timaado borotokool si loola macaamilo dalalka deriska ah, taasi oo kaliya ogolaan doontaa marin xaddidan, si loo xakameeyo cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here