Guddoomiyaasha ismaamullada oo eedeyn u jeediyay aqalka sare

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG ayaa guddiga xisabaadka iyo maalgashiga ee aqalka sare ku eedeyay inuu dhibaateynaya qaar ka mid ah madaxda dowlad deegaanada.
Guddoomiyaha golahan Mr. Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in barasaabyada lagu khasbaya inay hor tagaan guddiga senate-ka in kastoo lagu heshiiyay cudurka COVID19 awgii in kulamada qaab muuqaal ah loo qaban karo.
Oparanya ayaa wacad ku maray in hoggaamiyaasha ismaamullada aynan marna u dul qaadan doonin waxa uu cadaadis ku tilmaamay.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in guddoomiye kasta oo la doonayo inuu ka jawaabo su’aalo ku saabsan qaabka maamulkiisa uu u isticmaalay lacagihii loo qoondeeyay uu si online ah kaga qayb geli doono.
Mas’uulkan ayaa sido kale guddiha anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC iyo waaxda dambi baarista ee DCI-da ugu baaqay inay dabagal ku sameyaan habdhaqanka xubnaha guddiga aqalka sare ee xisaabaadka iyo maalgashiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here