Guddoomiyaasha ismaamullada oo eedeyn u jeediyay dowladda dhexe

Barasaabyada ismaamullada dalka ayaa Dowladda dhexe ku eedeynaya inaynan bixin lacagaha loogu tala galay fulinta mashaariicda horumarineed taasoo ay sheegayaan inay dib u dhac keentay.
Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha dowlad deegaannada ee (CoG) ahna barasaabka Kakamega, Wycliffe Oparanya ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay isbitaal weyn oo laga dhisaya ismaamulka uu hoggaamiyo.
Mr. Oparanya ayaa xusay in xaruntaas caafimaad lagu dhisayo dhaqaale gaaraya 6 bilyan oo shilin hasa ahaate lacag la’aan awgeed aan ilaa iyo hadda la dhameystirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here