Guddoomiyaasha ismaamullada oo ka shiray BBI

Hoggaamiyaasha ismaamullada dalka ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi .
Mas’uuliyiintan ayaa eegayay faa’iidooyinka dowlad deegaanada ugu jiro dhaqangelinta warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Qodobbada warbixinta guddigga BBI ku xusan waxaa ka mid ah in miisaaniyadda dhaqaale ee ay dowladda siiso ismaamullada oo hadda ah boqolkiiba 15 in laga dhigo boqolkiiba 35.
Sidoo kale warbixinta ayaa lagu soo jeediyay in barasaabka ismaamulka iyo ku xigeenkiisa aysan hal jinsiyad ah ka soo wada jeedi Karin.
Hadii warbixinta BBI la ansaxiyo ,aqalka sare ee dalka ayaa yeelan doono 94 senatar oo isugu jiro rag iyo haweeen matalaya 47-da ismaamul ee uu wadanku ka kooban yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here