Guddoomiyaha aqalka sare oo la kulmay xubnaha musharaxiinta Soomaaliya

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ayaa waxaa weli ka socda kulamo siyaasadeed oo u dhaxeeya Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya doonaysa & Xubno ka tirsan Dowladda, kulamadaas oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka soo socda.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Hooygiisa ku booqday Guddoomiyaha xisbiga Sahan sidoo kalena ah Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Soomalaiya Cabdikariim Xussein Guuleed , iyagoo ka wada hadlay Arrimo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya oo doorashooyinku ugu Horeeyaan.
Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xaaladda Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya uu marayo, sida loo heli karo hannaan doorasho oo cadaalad ah iyo in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwa lagu soo xulo hannaan lagu wada qanacsan yahay.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa dhinaciisa sheegay in loo baahan yahay talo, wadahadal, isu tanaasul iyo heshiis loo dhanyahay si loo helo xasillooni hore loogu socdo,doorashaduna u noqoto mid ku dhacda Jawi la wada Ogol yahay si dalka aysan dhibaatooyin kale oo hor leh u soo gaarin.
Guddoomiyaha Xisbiga Sahan Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay helidda xal waara oo degdeg ah oo ay gaaraan saamileyda siyaasadda ee Soomaaliya si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here