Guddoomiyaha baarlamaanka oo baaq u diray IEBC

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi iyo dalladda ay ku mideysan yihiin golayaasha hoose ee ismaamullada ee (CAF) ayaa baaq u diray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.
IEBC ayaa lagula taliyay inay dib u habeyn ku sameyso qaabka magacaabidda ee xubnaha guddiyada sharciga ee golayaashan.
Tallaabadan ayaa la sheegay inay sarakiishan u horseedeyso inay noqdaan kuwo ka madax bannaan golaha fulinta ee dowlad deegaannada.
Muturi ayaa xusay in tani ay fududeyn doonto matalaad dimuqaradiyad ku saleysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here