Guddoomiyaha baarlamaanka oo bixiyay amar ku aaddan caqabadda waxbarashada ee waqooyi bari

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa amar ku bixiyay in loo yeero wasiirka wasaaradda tacliinta Prof. George Magoha, abaanduulaha booliska ,Hillary Mutyambai iyo madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC , Nancy Macharia si ay uga soo hormuuqdaan golaha sharci dejinta oo wax looga weydiiyo caqabadda dhanka waxbarashada ee ka jirto gobolka waqooyi bari.
Mas’uuliyiintan ayaa laga doonaya inay ka jawaabaan macallin yarida soo foodsaartay ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera kaddib go’aan uu qaatay guddiga TSC.
Xildhibaanka deegaanka galbeedka Wajeer Axmad Qoloosh oo matalaya siyaasiyiinta waqooyi bari ayaa guddoomiyaha baarlamaanka dhibaatada jirta u bandhigay.
Waxaa uu qeexay inay dalbanayaan in wasaaradda waxbarashada ay si faahfaahsan uga hadasho dhibaatada ka jirto ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera.
TSC ayaa ku dhawaad 3000 oo ah barayaal aan dhalasho ahaan ka soo jeedin deegaanada waqooyi bari ka soo wareejisay dugsiyadii ay wax ka dhigayeen kaddib falal amni darro oo lagu dilay saddex macallin.
Mr. Justin Muturi ayaa amray in saddexda mas’uul ee loo yeerayo ay si shakhsi ah iyagoo aynan cidna matalin uga soo hormuuqdaan guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha waxbarashada.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in go’aanka TSC ay ka dhalatay saameyn ballaaran oo dhinaca tacliinta ah taasoo hoos u sii dhici karto tayada hadda walaaca laga muujinaya.
Sido kale Mr .Muturi ayaa guddiga tacliinta ee baarlamaanka ee uu hoggaamiyo xildhibaanka deegaanka Tinderet, Julius Melly ka dalbaday in talaadada soo socoto uu soo gudbiyo warbixin arrinkan ku aaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here