Guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay inaan la badbaadin doonin xildhibaanada dembiyada sameeya

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa sheegay in siyaasiyiinta ku lug lahaado falal dambiyeedyada aynan wax badbaado ah ka heli dooningolaha sharci dejint.
Waxa uu hoosta ka xarriiqay inaan ilaalo la siin doonin mudanayaasha lagala laabto saraakiishii loogu tala galay.
Dhawaan ayay ahayd markii abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai uu sheegay in siyaasiga ciidamada ilaalada u ah laga wareejinaya hadii uu fal dambiyeed ku kaco.
Tani iyo ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale mudanaha deegaanka Bariga Embakasi ee magaalada Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino uu wajahayo dacwad ah inuu toogasho ka gaystay mid ka mid ah goobaha lagu caweeyo.
Siyaasiyiinta ilaalada lagala laabtay waxaa ka mid ah xildhibaanka deegaanka Bahati ee Nakuru Kimani Ngunjiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here