Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la kulamay qaar ka mid ah madaxda maamulada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Hoygiisa ku qaabilay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Koonfur-Galbeed iyo Hir-Shabeelle Cabdicasiis Lafta Gareen Iyo Maxamed Cabdi Waare.
War kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay Arrimaha Siyaasadda Iyo Doorashooyinka Qaranka maadaama hay’adaha kala duwan ee dowladda mudada xilheyntooda uu hada geba-gabo yahay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa 15-kii Bishii July ee sanadkaan baarlamaanka ka hor sheegay in Xukuumadda iyo Maamul goboleedyada aysan go’aan ka gaari karin Arrimaha doorashada Qaranka maadaama Xildhibaanadu yihiin Marjaca Xeer dajinta sidoo kalena ay iyagu Meelmariyeen Xeerka Doorashada Qaranka ayna tahay in waxkasta oo Doorashada ku Saabsan ayaga looga danbeeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here