Guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dhulalka oo ballanqaadyo dhowr ah sameeyay

Guddoomiyaha cusub ee guddiga qaran ee arrimaha dhulalka (NLC) Gershom Otachi oo dhawaan xilkiisa loo dhaariyay ayaa shacabka Kenyaanka ah u ballanqaaday inuu arrimo dhowr ah diiradda saari doono.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inuu ka shaqeyn doono sidii loo dardargelin lahaa xallinta murannada la xiriira dhulka.
Mr. Otachi ayaa sido kale sheegay inuu guda galayo isbeddelo ballaaran oo lagu sameynayo guddiga loo magacaabay inuu hoggaamiyo.
Guddoomiyaha cusub ee NLC ayaa hoosta ka xarriiqay inuu waajibaadkiisa si caddaalad ay ku dheehan tahay uu u gudan doono.
Sido kale waxaa uu sheegay inuu u hoggaansami doono shuruucda dastuuriga isagoo caddeeyay inuu dareensan yahay in arrimaha dhulalka ay yihiin kuwo aad xasaasi u ah.
Mr. Otachi ayaa la dhaariyay isaga iyo 6 sarkaal oo sar sare kaddib markii uu soo magacaabay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Saraakiisha kale ayaa kala ah James Tuitoek, Gertrude Nduku, Kazungu Kambi, Xussen Alxaaji, Reginald Okumu iyo Muremi Mutegi.
Madaxa cadaaladda ee dalka Mr. David Maraga oo mas’uulyiintan dhaariyay ayaa Mr. Otachi iyo xubnaha kale ee guddiga kula dardaarmay in kiisaska loo soo gudbiyo ay u xalliyaan si aan nin jecleysi iyo eexasho lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here