Guddoomiyaha cusub ee Wajeer oo wax ka beddelaya xaaladda ammaanka

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Wajeer ee dhawaan halkaas la geeyay Jacob Narengo ayaa ballanqaaday inuu wax badan ka beddeli doono amniga dowlad deegaankaas.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in iyadoo la kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan waxgaradka dib u habeyn istaraatiiji ah lagu sameyn doono sugidda ammaanka deegaanada kala duwan .
Mr. Narengo ayaa carrabka ku dhuftay in dib loo soo nooleyn doono kulamo wadatashi ahaa oo ka dhaxeeyay bulshooyinka deggan agagaarka xuduudda ay Wajeer la wadaagto dalka dariska ah ee soomaaliya.
Bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa ismaamulka Wajeer ka dhacay falal dhowr oo amni darro ah.
Mr. Narengo ayaa sheegay in si xaaladda wax looga beddelo ay lagama maarmaan tahay in xoogga la saaro sidii looga hor tagi lahaa falalka argagixiso.
Waxaa uu intaasi ku daray inay dadaal badan ku bixin doonaan in si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqa dadweynaha gaar ahaan dhinaca xuduudda iyo adeegsiga sirdoonka.
Bulshada ku nool Wajeer ayuu ugu baaqay inay saraakiisha ammaanka si dhow ula shaqeeyaan.
Sido kale Mr. Narengo ayaa guddoomiye xaafadeedyada ama jiifafka ku amray inay ka howlgalaan tuulooyinka ay dowladda ku matalaan si xogaha muhiimka ah waqtiga habboon ay ugu gudbiyaan laamaha ammaanka.
Mr. Narengo ayaa sheegay inay jiraan qaar ka mid ah guddoomiya xaafadeedyada oo ku sugan magaalada Wajeer sidaas awgeedna uu ku amrayo inay dib ugu laabtaan meelaha ay dowladdu ku ogtahay inay ka shaqeynayaan.
Waxaa uu amar noocan oo kale ah uu siiyay saraakisha booliska keydka.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay inay ku dadaalayaan sidii afar qof oo dhawaan la afduubtay ay iyagoo badqabo wadanka dib ugu soo laaban lahayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here