Guddoomiyaha Garissa oo diray digniin la xiriirta daadadka

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa shacabka ku nool dowlad deegaankaasi gaar ahaan meelaha inta badan ay daadadka saameeyaan ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
Waxaa uu dadka deggan agagaarka webiga Tana River kula taliyay inay u guuraan meelaha uu jooggoodu sarreeya.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegtay in maalmaha nagu soo aaddan la rajeynayo roobab xooggan oo ka da’a qeybo ka mid ah wadanka.
Cali Bunow ayaa qoraal uu soo dhigtay bartiisa rasmiga ee Twitarka iyo sido kale Facebook-ga ku sheegay in heerka biyaha webiga Tana River ay hadda sarreyaan oo ay gaareen 5.1 miliimitar.
Barasaabka ayaa intaasi ku daray inay xaaladda si dhow ula socdaan gaar ahaan ismaamulka uu hoggaamiyo ee Garissa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la isku dubariday guddi gaar ah oo qaabilsan la tacaalidda musiibooyinka .
Waaxda ismaamulka Garissa u qaabilsan dhanka saxaafadda ayaa sheegtay in xoghayaha dowlad deegaankaasi Mr. Cabdi Muxumad Cali uu isugu yeeray kulan degdega ah oo looga arrinsanayo sida gargaar baniaadannimo loogu fidin karo dadka ay daadadka saameeyeen.
Dhawaan ayay ahayd markii qaar ka mid ah dadweynaha ku nool ismaamulka Garissa ee ay saameeyeen fatahaadaha roobabka ay cabashadooda sidatan u soo bandhigeen

Dhanka kale sida laga soo xigtay waaxda saadaasha hawada ee dalka waxaa laga cabsi qabaa in saameyn ay ka dhalato roobabka la rajeynayo ee cabbir ahaan lagu qiyaasayo 30 millimitar.
Goobaha la saadaalinaya inay saameyn ku timaado waxaa kamid ah Gobolka Waqooyi Bari, Galbeedka dalka iyo sidoo kale magaalada Nairobi.
Waaxda ayaa sheegtay in heerka roobabka la rajeynayo in maalinta Arbacada uu hoos u dhaco qeybo kamid ah dalka.
Waxay sido kale ka dhigtay in baabuur lagu dhex kaxeeyo ama dadku ay ku dhex socdaan biyaha iyo in aysan ku gabban geedaha hoostooda.
Maamulka qaran ee waddooyinka waweyn ee (KeNHA) ayaa darawallada ku boorrisay inay taxaddar muujiyaan inta ay baabuurta wadaan xilli-roobaadka.
Arrintaan ayaa imaanaysa xili Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu horay u amray mas’uuliyiinta in ay raraan dadka deggan meelaha ay fatahaadaha ka dhaceen iyo goobaha dhul go’a saameeyay ka dib musiibadii ka dhacday Galbeedka Pokot.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley George Natembeya ayaa shalay sheegay in 38 ay halkaasi ku dhinteen in kastoo barasaabka dowlad deegaanka Galbeedka Pokot Prof. John Lonyangapuo uu horay tiradaasi ku sheegay 43 ruux.
Wuxuu intaasi ku daray in la soo helay meydadka 25 qof halka 13 kalena weli la raadinayo.
16 qof oo ay dhaawacyo soo gaareen ayaa lagu daaweynayaa isbitaalka deegaanka Kapenguria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here