Guddoomiyaha Garissa oo ku baaqay in mudnaanta koobaad la siiyo kalkaaliyayaasha

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa ku taliyay in mudnaanta koobaad la siiyo kalkaaliyayaasha iyadoo lagu dadaalayo in wadanka si buuxda looga dhaqangeliyo barnaamijka caafimaadka dhameystiran ee UHC.
Waxay tani qeyb ka ahayd ballanqaadyadii maamulka talada haya ee Jubilee uu sameeyay xilligii ololihii doorashada taaso ahayd in kenyaanka ay helayaan adeegyo caafimaad oo dhameystiran.
Guddoomiyaha Garissa ayaa xusay in kalkaalinimo ay udub dhaxaad u tahay hannaanka caafimaadka guud sidaasi awgeedna la doonayo in khuburada takhasuuskaasi leh horumar la gaarsiiyo.
Waxaa uu xusay in waxyaabaha ay u baahan yihiin howlwadeenadan inay ka mid tahay kheyraad ku filan oo awoodsiin ah, qalab ay ku shaqeyaan iyo in si joogto ah dhanka waxqabadka looga sii dhiso.
Arrimahan ayaa waxaa ka hadlay xoghayaha ismaamulka Garissa Cabdi Muxumad Cali oo isagoo wakiil ka ah barasaabka khudbad ka jeediyay furitaanka shirweynaha sannadlaha ee 33-aad ee sayniska oo ka qabsoomay dowlad deegaankaasi.
Shirkaasi oo soconaya muddo saddex cisho ah waxaa ka qeyb gaya ugu yaraan 600 oo ah kalkaaliyayaal ka kala socdo deegaanada dalka .
Wasiirka caafimaadka ee dowlada ismaamulka Garissa Axmad Nathir ayaa dhankiisa kalkaaliyayaasha ugu baaqay inay dadalkooda sii laba laabaan oo ayna si hagar la’aan ah ugu adeegaan shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here