Guddoomiyaha Garissa oo maanta maxkamadda la geynaya

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane oo shalay hor tagay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC kaddibna su’aalo la weydiiyay ayaa lagu wadaa inuu maanta maxkamadda iska xaadiriyo.
Warbaahinta qaranka ee KBC ayaa ku warramaysa inuu xalay ku hooyday saldhigga booliska ee xarunta dhexe ee EACC ee magaalada Nairobi.
Isaga iyo afar sarkaal oo kale ayaa loo haystaa wax isdaba marin la sheegay in lagu sameeyay lacag dhan 233.5 milyan oo shilin.
Hay’adaha dambi baarista ee dalka ayaa sheegay in lacagtan ay ahayd deeq uu bixiyay bangiga adduunka oo loogu talagalay in loo adeegsado mashaariic horumarineed.
Mashaariicdan waxaa ka mid ah dib u dhiska suuqa Qoraxeey ee Garissa, marinnada biyaha iyo dib u habeynta waddooyinka ugu muhiimsan ee deegaanka Garissa Township.
Racfaan uu doonayay inuu ka qaato dacwadaha lagu soo oogay ayaa shalay dib loo dhigay waxaana qareenada u doodaya Mr .Qorane lagu wargaliyay inay maanta iska soo xaadiriyaan maxkamadda Milimani.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa khamiistii la soo dhaafay ansaxiyay in dacwado lagu soo oogo asaga afar eedeysane kale.
Barasaabka iyo afarta mas’uul ee kale oo ka tirsan dowladda ismaamulka Garissa ayaa sidoo kale wajihi doono dacwado la xiriira ku takriifal awoodeed iyo ku lug lahaanshaha mashruuc iyadoo aan la sii qorshayn.
Saraakiisha kale ayaa kala ah madaxa dhaqaalaha Ibraahim Nuur Malow, madaxa maaliyadda Maxamad Axmad Cabdullahi , sarkaalka fulinta ee dowladda hoose Cabdi Shale iyo madaxa xisaabaadka dowladda hoose ee Garissa Axmed Cabdullahi.
Dowladda hoose ee ismaamulka Garissa ayaa dhankeeda sheegtay in lacagaha hay’adaha dambi baarista ay sheegeen in la musuqmaasuqay sida haboon loo adeegsaday.
Waxaa qoraalka qayb ka ah in lacagtaas lagu qarash geliyay mashaariic horumarineed oo laga fuliyay Garissa.
Mashaariicdan ayaa lagu kala sheegay suuqa qoraxeey oo weli gacanta lagu hayo, marinka bullaacadaha ee waddada Kismayo Road oo aan la dhamaystirin iyo dib u habeyntra waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Garissa oo qoraalka lagu sheegay in la gabagabeeyay.
Sido kale dowladda hoose ee ismaamulka Garissa ayaa sheegtay in horraantii sannadkan guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC uu billaabay baaritaano ku saabsan in wax isdaba marin lagu sameeyay lacago uu ku deeqay bangiga adduunka.
Dowladda hoose ee Garissa waxay intaa ku dartay in hay’adaha dambi baarista iyadoo ay caddeymo jireen ay ku sii tallaaba qaadeen go’aamo lagu tilmaamay kuwo u muuqdo in horay looga soo baaraan degay.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogida ee dalka Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay in lacagihii la siiyay dowladda Gariisa loo weeciyay meel aan loogu talagalin.
Mr Nuurdiin Xaaji ayaa hoosta ka xarriiqay inay jiraan cadeymo loo cuskan karo eedeymaha loo soo jeediyay eedeysanayaasha uu ka mid yahay barasaabka Garissa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here