Guddoomiyaha Garissa oo maxkamad ka soo hor muuqan doona

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa lagu wadaa in maanta la soo taago maxkamad kaddib markii uu hortagay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee (EACC).
Mr Qorane ayaa saaka abaaro 6-dii subaxnimo iska xaadiriyay xarunta dhexe EACC ee magaaladatan Nairobi.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa khamiistii la soo dhaafay ansaxiyay in dacwado lagu soo oogo asaga afar eedeysane kale.
Guddoomiyaha oo lagu eedeeyay inuu si khaldan u maareeyay deeq ka timid bangiga adduunka oo dhan 233.5 milyan oo shilinka dalka ah ayaa lagu wadaa in lagu soo oogo dacwad la xiriirta musuqmaasuq iyo ku tagrifalka hantida dadweynaha.
Barasaabka iyo afar masuul kale oo ka tirsan ismaamulka Garissa ayaa sidoo kale wajihi doona ku xad gudubka eedaymaha xafiiska iyo ku lug lahaanshaha mashruuc iyadoo aan la sii qorshayn.
Saraakiisha eedeymaha musuqmaasuqa ah lagu soo oogay ayaa kala ha madaxa dhaqaalaha Ibraahim Nuur Malow, madaxa maaliyadda Maxamad Axmad Cabdullahi , sarkaalka fulinta ee dowladda hoose Cabdi Shale iyo madaxa xisaabaadka dowladda hoose ee Garissa Axmed Cabdullahi.
Guddomiyaaha ayaa waxaa bilowgi bishii saddexaad ee sannadkan su’aalo weydiiyay saraakiisha EACC kaddib markii lagu eedeeyay lunsasho lacageed oo hoos imaneesay barnaamij gacan ka gaysanayay qorsheynta dhismaha magaalooyinka ee loo yaqaano (KUSP).
Waxaana lacagtaasi la sheegay in lagu kala qaatay si caddan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here