Guddoomiyaha Garissa oo xariga ka jaray barnaamijka caymiska xoolaha

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa guddoomiyay munaasabad xariga looga jarayay barnaamijka caymiska xoolaha nool ee la dhaqdo ee (KLIP).
Daahfurkaasi ayaa ka dhacay xarunta bixisa tababarada dhanka beeraha ee magaalada Garissa.
Mr. Cali Bunow ayaa sheegay inuu dad barnaamijkaasi ka faaiysanaya ku wareejiyay 4 milyan oo jeeg lacageed ah.
Barnaamijkan caymiska ayaa qarash ahaan ku kacaya 98.6 milyan oo shilin.
Qoraallo uu soo dhigay baraha rasmiga ee uu ku leeyahay Facebook-ga ayuu guddoomiyaha Garissa ku sheegay in caymiskan loogu talagalay in lagu badbaadiyo xoolaha lagu dhaqdo deegaanada ay roobabku ku yaryihiin inta badana abaartu saameyso ee lagu tilmaamo oomanaha ama (ASALs).
Ujeedada hannaankan laga leeyahay ayaa ah in xoola dhaqatada ay u adkeystaan saameynta abaarta iyagoo soo iibsanaya coows, biyo iyo daawooyinka xoolaha.
Cali Bunow Qorane ayaa ballanqaaday inuu lacago dheeraad ah ku bixin doono barnaamijkan iyadoo ay iskaashanayaan dowladda ismaamulka Garissa, machadka caalamiga ee sameeya baaritaanada la xariira xoolaha la dhaqdo ee (ILRI) iyo bangiga adduunka .
Sido kale barasaabka Garissa ayaa qeybiyay matooro dhowr ah oo loo adeegsanayo ceelaha biyaha ee ay xoolaha iyo dadka badan ka cabbaan si iskudhacyo looga hor tago.
Cali Bunow qorane oo xusay inay ku dadalayaan sidii xal waara loogu heli lahaa saameynta abaarta ayaa dhanka kale sheegay in shanti bilood ee ugu dambeeyay dowlad deegaanka uu hoggaamiyo uu biyo gaarsiinayay xoolo dhaqatada ku nool 145 degmooyin.
Barasaabka ayaa munaasabadda xarig jarka mashruucan waxaa ku wehelinayay wasiirka biyaha ee Garissa Ciisa Ooyow , sarkaalka ugu sarreeya ee wasaaraddaasi Axmad Cabdinuur iyo agaasimaha barnaamijyada gaarka ah Cabdinuur Xusseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here