Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Masuuliyiin Kale Oo Dhaawacooda Loo Qaaday Dalka Qatar

Diyaarad ka timid dalka Qatar ayaa magaalada Muqdisho ka qaadday dhaawcyada masuuliyiin uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng: C/raxmaan Cusmaan Yariisow iyo xubno kale kuwaas oo ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay hoolka Shirarka ee xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Guddigii ay dowladdu u xilsaartay gurmadka ayaa Isbitaalka Digfeer ka soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisoow,Gudoomiyaha degmada Warta-nabadda Saynab Xabsey iyo 4-agasime oo ka shaqeynayay xafiiska duqa Muqdisho kuwaas oo xaaladdooda wax looga qaban wayay dalka gudihiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here